HomeAll newsDonald Trump oo ku horeeya Natiijada Doorashooyinka.

Donald Trump oo ku horeeya Natiijada Doorashooyinka.

doorashoynka

Cod bixinta doorashooyinka dalka Maraykanka ee lagu dooranayo madaxweyne cusub oo uu yeesho dalkaas ayaa si adag uga socota gobollada kala duwan ee dalkaas, waxaana la helayaa Natiijooyin horudhac ah oo muujinaya codadka la kala haysto.

Hellry Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku guulaystay codadka 15 gobol oo uu ku jiro gobolka Washighton oo uu ku yaalo magaala madaxda looga arimiyo maamulka Federaalka ee ka jira dalka Maraykanka.

Clinton ayaa heshay codadka gobollo ay kamid yihiin Verginia iyo Kolarado, marka lagu daro Washighton waxaana illaa iyo hadda ay haystaa codad gaaraya 209.

Donadl J Trump oo caan ku ah muujinta cadaawada dhabta ah ee Marayakanku u hayo Muslimiinta ayaa isaguna helay codad aan la filayn, waxaana uu aad uga sareeya haweeneyda la tartameysa ee Clinton, isagoona heysta codad gaaraya 233 Cod.

Gobollada sida aadka ah uu codadka uga helay Trump waxaa kamid ah Gobollad Alabama, Florida, Ohayo iyo kuwa kale.

Inta badan gobollada dalka Maraykanka waxaa soo idlaaday cod bixinta ay dadku sameynayeen, iyadoona ay macquul tahay in saacadaha soo socoda la ogaado madaxweynaha rasmiga ah ee sanadaha soo socoda maamuli doona dalka Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular