HomeAll newsShacabka Maraykanka oo bilabaabay iney dacwad kusoo rogaan maamulka Aala-Sucuud.

Shacabka Maraykanka oo bilabaabay iney dacwad kusoo rogaan maamulka Aala-Sucuud.

Third in a series of four.  The second plane crashes into the World Trade Center.
Third in a series of four.
The second plane crashes into the World Trade Center.

Iyadoo dhawaan aqalka Congreska Maraykanka uu ka hor yimid Viito kasoo baxay Obama oo uu ku diidanaa in Maamulka Aala-Sucuud lagu so oogo dacwad ku salleysan iney maalgeliyeen weeraradii 11 Septembar ee Maraykanka lagu dumiyay ayaa waxaa Shacabka Maraykanku si toos ah u bilaabeen iney dacweeyaan Xukuumadda Aala-Sucuud.

Haweenay Ameerikaan ah oo ninkeeda oo katirsanaa Saraakiisha Ciidanka Maraykanka ku dhintay weerarkii 11 Septembar ayaa maalintii shalay waxay dacwad ugudbisay mid kamid ah maxkamaha ku yaala dalka Maraykanka, iyadoona ku eedeysay Aala-Sucuud iney maalgeliyeen weeraradaas uu ninkeeda ku dhintay.

Haweeneydan dacwadda ka gudbisay Aala-Sucuud oo lagu magacaabo Stivani ROS ahna hooyada gabadha ninkeeda uu kamidka ahaa Saraakiishii ku dhintay weerarkii 11 Septembar ayaa iyada oo wakiil ka ah gabadheeda waxay sheegtay in Aala-Sucuud yihiin Argagaixiso Taageerayaal ayna mudanyihiin in cadaalada wajahaan.

go’aankan uu fasaxay aqalka Congreska ayaa muwaadiniinta Maraykanka xaq u siinaya iney dacweeyaan Xukuumadda Aala-Sucuud ayna ka qaataan lacago mag dhow ah, waxaana la filayaa in qorshahan ay ku taajiraan kumanaan qoysas Maraykan ah oo ku dawarsada gudaha Maraykanka.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa dhankiisa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo la xiriirta arinkan, waxaana war ay soo saareen ku sheegeen in go’aankan uu mugdi gelinyo xiriirka Diblumaasi ee ka dhexeeya Aala-Sucuud iyo Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular