
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buurhakaba ee Gobalka Bay ayaa ku waramaya in Qarax xooggan lala eegtay Gudoomiyaha Ku Magacaaban Magaalada Ee Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Guri uu ka daganyahay Magaalada ayaa la sheegay in Miino loogu Xiray ay si xun udhaawacday Gudoomiyaha Buurhakaba oo Lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed.
Qaraxa Kadib Waxaa goobta yimid Maleeshiyaad katirsan Maamulka koonfur galbeed.
Dhanka Shabeelaha Hoose waxaa ku xoogaystay halganka ka dhanka ah shisheeyaha.
Ciidamada Wilaayada Ayaa maalmihii lasoo dhaafay si joogta ah kaga howlgalayay Magaalada Qoryooley ee shabeelaha Hoose.
Dagaal iyo Duqeyn aanan la ogayn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ayaa xalay lagu qaaday ciidamada shisheeye ee ku sugan Danoow iyo Qoryooley ee Shabeelaha Hoose.