HomeAll newsMaraykanka oo joojiyay wadahadalii uu kula jiray dowladda Ruushka ee ku aadanaa...

Maraykanka oo joojiyay wadahadalii uu kula jiray dowladda Ruushka ee ku aadanaa arimaha Suuriya.

9201612185615346

Dowladda Maraykanka iyo Ruushka oo ah labada dowladood ee sida qotada dheer u hagar daaminaya Muslimiinta Suuriya ayaa isku mari la’ qaabka loo sii socod siin karo xagal daacinta Muslimiinta, waxaana dowlad kasta ay aragtaa fakar gaar ah oo ka duwan kan midda kale.

Maraykanka iyo Ruushka oo dhawaan heshiis xabad joojin ah ka gaaray Suuriy ayaa socon weysay xabad joojintaas, waxaana markaas kadib labada dowladood ay bilaabeen iney hadalo kulul isku mariyaan warbaahinta.

War kasoo baxay Aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku gebi ahanba joojiyay wadahadalii uu lalahaa Ruushka ee looga hadlayay arimaha Suuriya, waxaana uu ku eedayay Ruushka inuu dhankiisa dowr fiican ka ciyaari waayay in la ilaaliyo Xabad joojinta.

Ruushka ayaa dhankiisa jawaab ka bixiyay warka kasoo baxay Maraykanka, waxaana Afhayeen u hadlay Ruushka uu sheegay in go’aankaas ay ka xunyihiin, islamarkaana Maraykanku qudhiisa rabin in xal laga gaaro arimaha Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular