HomeAll newsDowladda Ruushka oo si ba’an ugu hanjbtay dowladda Maraykanka.

Dowladda Ruushka oo si ba’an ugu hanjbtay dowladda Maraykanka.

Russian President Vladimir Putin speaks during his visit to the new studio complex of television channel 'Russia Today' in Moscow, June 11, 2013. Russian President Vladimir Putin said on Tuesday he has no doubt that Iran is adhering to international commitments on nuclear non-proliferation but regional and international concerns about Tehran's nuclear programme could not be ignored. REUTERS/Yuri Kochetkov /Pool (RUSSIA - Tags: POLITICS TPX IMAGES OF THE DAY)
Russian President Vladimir Putin speaks during his visit to the new studio complex of television channel ‘Russia Today’ in Moscow, June 11, 2013. Russian President Vladimir Putin said on Tuesday he has no doubt that Iran is adhering to international commitments on nuclear non-proliferation but regional and international concerns about Tehran’s nuclear programme could not be ignored. REUTERS/Yuri Kochetkov /Pool (RUSSIA – Tags: POLITICS TPX IMAGES OF THE DAY)

Dowladda uu hogaamiyo Faladamir Butin ee dalka Ruushka ayaa jeedisay hanjabaad tii ugu cusleyd oo ku socota dowladda Maraykanka, tan iyo markii uu billowday dagaalka Suuriya ayna ku kala siyaasad duwanaadeen labadan dowladood oo sheegta iney yihiin awooda ugu sareysa Aduunka.

Afhayeenadda wasaaradda arimaha dibadda Ruushka haweeneyda lagu magacaabo Mariya Zakharofa ayaa sheegtay in haddii Maraykanku isku dayo inuu si milliteri ahaan u maquuniyo Nidaamka Bashaar ay jawaabta ay bixiso dowladda Ruushku noqon doonto mid gel gelisha gebi ahaanba mandiqadda.

Afhayeenadan oo hadleysay saacado kadib markii uu soo baxay cod si qarsoodi ah looga duubay wasiirka arimaha dibadda Maraykanka John Kerry kaas oo uu ku sheeganayay sida dowladda Ruushka isku hor taagtay siyaasadda Washighton ee ku aadan arimaha Suuriya, waxaana dhanka kale Kerry u codkan looga duubay si qarsoodi ah isago kulan la yeelanayay siyaasiyiin Suuriyaan ah ku sheegay in Maraykanku qaadi doono tallaabo kasta oo danihiisa ku fushan karo, waana midda keentay in Ruushku si deg dega ah uga jawaabo warkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular