
Sida ay inoo sheegayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Buurhakaba ee Wilaayada Islaamiga ah ee Baay iyo Bakool, ciidamada Itoobiya ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo ballaaran oo u muuqda ka bixitaan.
Wararka naga soo gaaraya Buur-Hakaba waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay guud ahaanba burburiyeen Teendhooyinkii ay harsan jireen, islamarkaana Ciidamadu taag taaganyihiin taas oo u muuqata mid bixitaan ah.
Magaalooyin kale oo katirsan gobollada Baay iyo Gedo ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Itoobiyaanku ka bixi rabaan balse lama hubo, inkastoo warka Buur-Hakaba uu yahay mid isasoo taraya.
Haddi ay dhab noqoto ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba waxay noqoneysaa degmadii ugu weyneyd oo Ciidamada Itoobiya ka cararaan kana tirsan gobolka Baay, waxaana waaberigii maanta Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, waxaana durba la wareegay Ciidamada Mujaahidiinta.
Wixii nagu soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.