Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan magaalooyin dhaca gobalka Hiiraan.
Magaalooyinka Moqo-kori iyo Ceel-cali ayay ka baxeen askarta Itoobiya waxaana dib ula wareegay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sababta ugu weyn askarta Itoobiya ay kaga guureen qeyb kamid ah Gobalka ayaa loo aaneeyay darabaadka Mujaahidiinta iyo kacdoonka ka socda wadanka Itoobiya.
Meelaha qaar gobalka Hiiraan waxaa lasoo sheegayaa ciidamada Itoobiya inay ka xirxiran yihiin.
Hadaba waxa iska badalay goobaha ay ka baxeen askarta Itoobiya iyo dhaqdhaaqa Ciidamada Itoobiya waxaannu wax ka weydiinay Axmed Cismaan iyo Ansaari oo labadaba ku sugan Hiiraan.