Munaasabad ka dhacday deeganaka garbo weyne ee gobalka galgaduud ayaa loga dhawaaqay beyco ay wada galeen beesha maxamuud hiraab (duduble) iyo xarakada mujaahidiinta alshabaab.
Afhayeenka xarakada mujaahidiinta alshabaab sheekh cali maxmauud raage oo wakiil ka ahaa amiirka xarakada sheekh axmed cumar abuu cubeyda iyo ugaaska beesha maxmauud hiraab ugaas ciise ugaas maxamed oo ay garba joogeen nabadoonada beesha ayaa beycada wada galay.
Xafladda ku waxaa lagu casuumay odayaasha beesha beelaha kale ee ay ood wadaagta yihiin maxamuud hiraab qaarkood iyadoo lagula dardaarmay in ay ay adkeeyaan beycada ayna ka mira dhaliyaan.
Farxad iyo baraarug diineed ayaa laga dareemayay goob joogayaasha waxaana beelaha kale iminka u hanqal taagayaan sidii ay beyco ula geli lahaayeen mujaahidiinta .