HomeAll newsXarakada Alshabaab oo Soo Bandhigtay in ka badan 60 Askari oo Ka...

Xarakada Alshabaab oo Soo Bandhigtay in ka badan 60 Askari oo Ka Goostay Dowladda.

askar_3Munaasabad Balaaran ayaa Haatan Waxa ay ka socotaa Degmada Galcad Ee Gobalka Galguduud Halkaasi oo Ay ku suganyihiin Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Munaasabada Ayaa Loo qabtay in Ka Badan 60 Askari oo Ka Goostay Ciidamada Dowladda Kuwaasi oo isku dhiibay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Ciidamada ayaa dhamaantooda waxa ay wataan Qoryahii Ay ku dagaalamayeen Sida uu shaagayo Wariye Ku sugan Halka ay Xafladu ka socoto.

Askartaan ayaa ahaa kuwii la socday Xabashida Ka Carartay Deegaanka Budbud iyo Magaalada Moqokori Ee Gobalada Galguduud iyo Hiiraan.

Waa Ciidamadii ugu badnaa ee  Marqura isku dhiiba Xarakada Alshabaab, Waxaana Dhabar Jab ay ku tahay Dowladda Dhacday ee Madaxda uyahay Xasan Sheekh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular