HomeAll newsWeeraro Silsilado ah oo ka dhacay dalka Afqaanistaan.

Weeraro Silsilado ah oo ka dhacay dalka Afqaanistaan.

441

Saacadihii aynu kasoo gudubnay waxaa magaalada Kaabul ay marti gelisay weeraro halyeynimo ah kuwaas oo ay fuliyeen Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan kuwaas har iyo hooyaadba u diidan ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa kaba qaadka u ah ee ku duulay dalkaas Muslimka ah.

Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ayaa weerar ku qaaday shaqaale katirsan wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Kaabul, waxaana ay dileen Tobanaan katirsan Saraakiisha iyo Ciidamada Wasaaradda.

Istish-haadiyiin katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa weeraray Wasaaradda, waxaana ay ku dileen inta ay Xukuumadda Kaabul qiratay 24 Ruux oo ah raggii ugu muhiimsanaa ee wasaaradda Gaashandhiga ka howlgalayay.

Weerar kale ayaa lix saacadood kadib kan Wasaaradda waxaa lagu qaaday xarun ay deganyihiin Saraakiil Shisheeye ah oo katirsan Ururka Naato ee duulaanka ku jooga dalka Afqaanistaan, waxaana weerarkan loo adeegsaday sida ay warbaahintu sheegayaan Gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa oo lagu hor baakimay afaafka hore ee dhismaha.

Sida uu sheegay Afahayeenka Booliiska Xukuumadda Kaabul waxaa weerarkan ku geeriyooday hal Askari oo booliis ah, isagoona intaa ku daray iney soo badbaadiyeen inkabadan 40 ruux oo Shisheeye u badnaa.

Wali majirto cid sheegatay weerarkan labaad, balse waxaa loo badinayaa in masuuliyadiisu leedahay Xarakada Islaamiga ah ee Dhaalibaan oo weeraro xoogan ka wada guud ahaan dalka Afqaanistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular