HomeAll newsDagaallo Culus oo ka dhacay Shalaambood iyo Number 60.

Dagaallo Culus oo ka dhacay Shalaambood iyo Number 60.

Dagaallo Culus oo udhaxeeyay Ciidamada Xarakada Shaaabul Mujaahidin iyo kuwa Amisom iyo Dowladda ayaa xalay fiidkii ka dhacay Qeybo kamid ah Shabeelaha Hoose.

Dagaalka Koowaad ayaa Lagu qaaday Ciidamo katirsan Dowladda oo soo gaaray deegaan lagu Magacaabo  Gandaawi oo dhaca duleedka Shalaambood.

Ciidamada ayaa isku dayay inay is difaacaan balse waa laga itaal roonaaday sida ay baahisay idaacadda Alshabaab ee Andalus.

alshabaab

Ciidamo kale oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay dagaal ku qaaday deegaanka Number 60 oo Fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Afriaanta Amisom.

Dhowr jiho ayaa laga weeraray saldhigga sida Laga soo xigtay saraakiil katirsan Mujaahidiinta.

Wali lama helin faafaahin ku aadan qasaaraha dagaalka wax war ahna kama soo bixin dhinacyada dagaalamay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular