HomeAll newsWarbixin: Xalab oo Go’doonka ka baxday..

Warbixin: Xalab oo Go’doonka ka baxday..

XalabKadib todobaad xiriir ah oo ay dagaallo Malaaxim ah ka socdeen gudaha iyo daafaha magaalada Xalab kuwaas oo u dhexeeyay Jamaacaadka Islaamiga ah oo iskaashanaya iyo maleeshiyaadka Nusayriyada Bashaar Al-Asad oo taageero xoogan ka helayay dowladaha Iiraan iyo Ruushka ugu dambeyn waxay Xalab ka baxday go’doonkii gardarada ahaa ee lagu soo rogay islamarkaana ay ku jirtay 25 maalmood oo xiriir ah.

Ciidamada Mujaahidiinta oo ku dhawaaqay macrakada Xalab Axaddi aynu soo dhaafnay ayaa ku guuleystay iney mideeyaan sufuuftooda islamarkaana wixii awood Maaddi ah ay heli karaan isugu keenaan dagaalka Xalab, waxaana intaas oo idil ka horeeyey ku xirnaanta Allah Cazza Wajalla, waxaana markaas kadib dhaboobay ballan qaadkii Allah ee ahaa inuu guuleynayo Muslimiinta.

Dagaalkan go’doonka looga qaaday Xalab wuxuu soo maray saddex Marxaladood, waxaana ugu adkaa marxaladdii sadexaad taas oo Mujaahidiintu kula wareegeen kulyadda madaafiicda ee xaafadda Raamuusa oo ahayd difaaca ugu adag iyo keydka guud ee hukba oo Nidaamku kulahaa magaalada Xalab.

Istish-haadi katirsanaa Jabhadda Fatxu-Shaam ayaa maalintii shanaad ee dagaalka waxa uu camaliyad ka dhex fuliyay kulyadda, waxaana ay horseeday in Mujaahidiintu ay iqtixaamaan islamarkaana la wareegeen dhismaha Saraakiisha iyo goobo kale, halkaas ayaana laga sii abaabulay howlgalka lagula wareegay kulyadda iyo guud ahaan Xaafadda Raamuusa.

Mujaahidiinta ka dhex dagaalamayay gudaha Xalab iyo kuwa banaanka kasoo dagaalmayay ayaa la arkayay iyagoo isku marxabeynaya gudaha magaalada kadib markii Majmuuco kasta ay dowrkeeda kasoo baxday.

Si guud dallka Suuriya gaar ahaan magaalada Xalab waxaa ka socda dabaal degyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka Muslimiinta, waxaana marka aad aragto jawiga guud ee farxadda aad moodaa iney tahay maalin ciid ah.

Shacabka ayaa u mahad celinaya jamaacaadka islaamiga ah iyo kuwa Kacdoonka ee gartay in la iska dhiciyo cadowga horarka ah, fakar iyo aragti haba lagu kala duwanaadee, waxaana kalimad uu maalintii shalay jeediyay Sheekh Abii Muxamed Al-Jowlaani ku sheegay in macrkada Xalab ay bedeli doonto guud ahaan mawaaziiinta siraaca dalka Suuriya.

Afahayeenka Xarakada Islaamiga ah ee Axraaru-Shaam Abuu Yuusuf Al-Muhaajir ayaa sheegay in la bilaabay marxalladda 4-aad ee howlgalka, taas oo ujeedkeedu yahay in lagu ta’miiniyo goobaha lala wareegay islamarkaana Mujaahidiintu ku qabsadaan xaafado cusub oo horaantiiba ay gacanta ku hayeen Maleeshiyaadka Nusayriyada.

Guud ahaan Muslimiinta Caalamka ayaa aad ugu farxsan guushan ay gaareen Mujaahidiinta Xalab, waxaana mid kamid ah dadka Muslimiinta uu sheegay in 100 neef oo Ari ah uu Allah  dartii u gowracay farxadda Xalab darteeda, waana arin ku tuseysa sida Muslimiintu hal Jasad u yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular