Dad badan waxay weli la anfariirsan yihiin tilaabadii ay qaadeen soomaalida ku dhaqan magaalada minisota ee dalka maraykanka qaarkood kuwaaoso farxad aawgeed ooyay markii gabar iyaga ka mid ah ku guuleysatay in ay xildhibaanada minisota ku biirto.
Waagii hore soomaalidu waxay la yaabi jireen ruuxii gaal salaama laakiin iminka in xildhibaanadiisa lagu biiro ayaa loo ilmeynayaa waxaana laga yaabaa indhaaasu in aanay weligood allaah dartii u ooyin.
Nabadoon cali cabdi-kariin cali oo ka mid ah indheer garadka soomaaliyeed ee arintaasu xanuunjisay ayaa inagu soo booqday istuudiyaha idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxaanuu isweydiiyay su’aal ahayd, ma gaaladaa muslimtay oo nagu soo biirtay, mise anagaa gaalownay oo ku biirnay?
Asigoo su’aashaas ka jawabaaya wuxuu sheegay in aanay iyagu noo iman balse inagu aanu soohdinta ka tilaabnay.
Sidoo kale nabadoon cali cabdi-kariin cali waxa uu wax lagu xumaado ku tilmaamay war dhawaan soo baxay oo ahaa in la mataaneeyay magaalooyinka boosaaso iyo minisota.