HomeAll newsMujaahiidiinta Jayshul Fatxi oo ku dhawaaqay howlgal cusub.

Mujaahiidiinta Jayshul Fatxi oo ku dhawaaqay howlgal cusub.

CpGZHHhWAAAd1Ku

Kadib markii Mujaahiiinta Jayshul Fatxi ay ku guuleysteen in go’doonka ay ka qaadaan xaafadaha bari ee magaalada Xalab oo todobaadyadii ugu dambeeyey ku jiray go’doon adag oo ay kusoo rogeen Ciidamada Nidaamka Bashaar ayay Mujaahidiintu ku dhawaaqeen howlgal cusub.

Howlgalkan oo wata ah magaca Macrkada Malxamada weyn ee Xalab ayay Mujaahidiintu ku doonayaan in guud ahaanba ay kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Xalab oo xaafadaha galbeed iyo koonfureedba ay ka joogaan Maleeshiyaadka Nidaamka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Jayshul Fatxi ayaa loogu mahad celiyey guu ahaan Umadda Islaamka ee is garab taagtay macrakada Xalab, iyo warbaahinta qaar oo si wanaagsan u tabisay billowga illaa dhamaadka Macrakada Xalab.

Jayshul Fatxi wuxuu sidoo kale u mahad celiyey culimada diinta Islaamka, wariyaasha, mufakariinta ee sida wanaagsan u boorinayay Mujaahidiinta.

Dhanka kale waxay Mujaahidintu farriimo muhiim ah udireen dadka Muslimiinta iyo Nasaarada ku nool xaafadaha magaalada Xalab ee uu Nidaamku gacanta ku hayo, waxaana Mujaahidiintu sheegeen ineysan far ku taaban doonin ciddii gacanteea laga nabad galo islamarkaana aan dulmin Ahlu sunnaha Muslimiinta, waxaana hadafka Macrakadooa ay ku tilmaameen inuu yahay mid dulmiga looga saarayo dadka ee uusan ahayn mid dulmi wata.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular