Waxa loogu yeero golaha Amaanka oo looga bartay inuu isha ka daawado dhibaatooyinka Muslimiinta ku heysta Caalamka oo uu isagu kamid yahay kooxaha geysanaya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku kulmayaan xubnaha joogtada ah ee ururkaas arinta ka taagan magaalada Xalab.
Kulankan oo yimid kadib todobaad iyo wax kabadan oo Xalab ay gubaneysay ayaa u muuqda mid ay ku doonayaan iney ku dejiyeen carada xoogan ee jamaahiirta Muslimiinta meel walibo ay joogaan ka bixinayaan dhibaatada Nusayriyadu kula kaceyso Muslimiinta Xalab.
Waxaa la filayaa in xubnaha 15 ee golahan ay dhageystaan warbixin marin habaabin ah oo ka sheekeyneysa xaalada ka jirta magaalada Xalab taas oo uu jeedin doono Secreteerka guud ee arimaha Siyaasadda Banki Moon.
Lama filayo iney kulankan kasoo baxaan qodobo dan u ah Mulsimiinta Xalab, sababtoo ah Qaramada midoobay iyo golaha Amaankuba waxaa lagu tiriyaa iney hormuud ka yihiin dhibaatada ka taagan Suuriya maadaama si qarsoodi ah taageero u siiyaan Nidaamka Bashaar.