HomeAll newsMukalla oo xaalad cusub lugaha la gashay.

Mukalla oo xaalad cusub lugaha la gashay.

SawirMagaalada Mukalla oo ah caasimadda gobolka Xadaramowt ayaa la kulmeysa duqeymo xoogan oo Arxan darro ah kuwaas oo ay fulinayaan diyaaradaha Taxaalufka oo ay hogaamineyso xukuumadda Aala-Sucuud ee ku caan baxday la dagaalanka Muslimiinta.

Duqeymaha oo badda iyo cirkaba ka imaanaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lagu garaacay bartamaha magaalada Xadaramowt, waxaana jira khasaare ay geysteen inkastoo aan lahayn tiro rasmi ah.

Ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca ee maamulaya magaalada ayaa heegan galay, waxaana daafaha magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u farabadan oo katirsan Mujaahidiinta.

Bayaan kasoo baxay Taxaalufka Carbeed oo wakaaladda Aala-Sucuud ay baahisay ayay ku sheegteen warar been aburu ah oo aan waxba ka jirin kaas oo ah in saacado gudahood ay ku dileen 800 oo Mujaahid kuwaas oo ku sugnaa magaalada Mukalla sida ay iyagu hadalka u dhigeen.

Waxay sidoo kale sheegteen iney si toos ah ula wareegeen magaalada, basle warkaas lama xaqiijin karo, waxaana xaalada haatan ka taagan magaalada Mukalla lagu sifeyn karaa mid kacsan oo aysan jirin cid si toos ah u maamulayaa inkastoo Mujaahidintu ay ka xeeladeysteen gudaha magaalada.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in waji cusub uu galo dagaalka Yaman, waxaana dhowr bilood kadib oo ay Taxaalufka sheegayeen iney la dagaalamayaan Xuuthiyiinta haatan muuqaneysa in ay kusoo jeesteen Mujaahidiinta halka ay heshiis nabadeed la saxiixdeen Rawaafida.

(valium)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular