Ciidamada Itoobiya oo maanta ka baxay Magaalada Halgan ee Gobalka Hiiraan ayaa Gaaray Deegaan Lagu Magacaabo Booco oo katirsan Gobalka Hiiraan.
Ciidamada Itoobiya ayaa ka hor inta aysan gaarin Booco waxa ay la kulmeen sadex weerar jidgal ah oo kaga yimid xarakada shabaabul Mujaahidiin.
Waxaa jira qasaarin soo gaaray askarta Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa marka ay galeen Booco waxa ay ka gaysteen dhac iyo dil.
dadka deegaanka ayaa ALfurqaan usheegay in askarta Itoobiya halkaasi ku dileen laba qof oo shacab ah.
Ciidamada Xabashida Itoobiya kuma sii hakin Booco oo waxa ay dib ugu laabteen Magaalada Halgan waxaana xiligaan Booco ku sugan shabaabul Mujaahidiin.