HomeAll newsXukuumadda Britin oo beenisay inay Ciidamo u direyso Liibiya.

Xukuumadda Britin oo beenisay inay Ciidamo u direyso Liibiya.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2013-12-08 14:37:50Z |  | ÿSyªÿ_ƒ¹ÿjŒÆÿFØ?Ÿ
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2013-12-08 14:37:50Z | | ÿSyªÿ_ƒ¹ÿjŒÆÿFØ?Ÿ

Iyadoo maalintii shalay Xubno katirsan golaha guud ee dowladda Ingiriiska ay sheegeen in Xukuumadooda ay ciidamo gaaraya 1000 Asakri dhawaan u diri doonto dlaka Liibiya, ayaa waxaa arinakas si kulul u beeniyey Xukuumadda David Cameron.

Wasaaradda difaaca ee Xukuumadda Cameron waxay sheegtay ineysan ku tala jirin in Ciidamo u diraan dalka Liibiya oo ay ka howlgalaan awood muuqata oo Jihaadiyiin ah, waxaana wasaaradu sheegtay in warkaas aanu waxba ka jirin.

Afahayeenad u hadashey Xukuumaddda waxay sheegtay iney khaldan yihiin dadka baahiyay warkaas, waxayna ku tilmaamtey ineysan haba yaraatee jirin qorshe arinkaas ku saabsan oo horay looga wada halday, xitaa waxay sheegtay in haatan Britin aysan qorsheyneyn in duqeymo ay ka fuliso dalka Liibiya.

Midowga Yurub ayaa ka walaacsan awooda bulaaleysa ee Mujaahidiinta dalka Liibiya, waxaana ay muhiim u arkaan in laga hortago iyadoo awood la isticmaalayo, balse Reer galbeedka ayaa markan u muuqda kuwa tabar dhigay, islamarkaana wadan kasta ku deg degi karin.

Waxay haatan isku dayayaan iney dhisaan waxay ugu yeereen xukuumad midnimo qaran oo ay ku kulmaan guud ahaan Axzaabta iyo kooxaha ka jira dalka Liibiya, waxaase muuqata in tallaabadaas ay wali u dhaqan gali la’dahay sidii Reer galbeedku u rabeen.

Mareykanka iyo Reer galbeedka waxay arkaan muhiimada ay ku fadhido Masaaxada dalka Liibiya oo ah wadan shidaal leh, waxaana hadii ay si buuxda ula wareegaan Mujaahidiinta ay ka dhigantahay culees dhanka Amaanka ah oo lasoo dersay Reer galbeedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular