Wararka saaka naga soo gaaray dalka Canada ayaa ku waramaya in weerar lagu qaaday goob ay ku yaalaan Qubuuro farabadan oo lagu aaso dadka Muslimiinta ee dhinta.
Qubuuraha oo ku yaala banaanka magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa waxaa lasoo sheegayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay dadka goobta ku sugnaa, waxaana halkaas ka dhashey khasaare soo gaaray dadkii Muslimiinta ahaa ee goobta joogay.
Inta haatan la ogyahay 4 Ruux oo Muslimiin ah ayaa Cisbitaallada la dhigay, kuwaas oo xaaladooda Caafimaad haatan lala dabiibayo.
Ciidamada Booliiska ayaa goor dambe soo gaarey goobta ay Rasaastu ka dhacday ee Qubuuraha, waxaana ay sheegeen in falkan uusan ahayn ama muujineynin nacayb loo qabo Muslimiinta dalka Canada.
Sida Warbaahinta ay sheegeen waxaa Qubuuraha lagu aasayay qof Muslim ah oo geeriyooday, waxaana wali jirin cid loo soo qabtay Tallaabadan lagu weeraray dadka Muslimiinta, sidoo kale majirto buun buunin ay sameynayaan warbaahinta Caalamka maadaama dadka la weeraray ay yihiin dad Muslimiin ah.