Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Xukuumadda taagta daran ee dalka Maali, rag hubeysan ayaa maalintii shalay waxay weerar kusoo qaadeen hotel isku bedelay saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha magaalada Bamako caasimadda dalka Maali.
Rag aad u hubeydan ayaa rasaaas la dhacay afaafka hore ee hotelka, halkaas oo uu waardiyo ka hayay mid kamid ah Ciidamada Caddaanka ah ee ku sugan hotelka, waxaana lagu soo waramyaa in is rasaaseytnu socotay mudo kabadan 10 daqiiqo.
Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo Nord Sod ayaa waxaa degan Tababariyaal reer galbeed ah, kuwaas oo u jooga dalka Maali sidii ay u tababari lahaayeen maleeshiyaadka Xukuumadda Maali ee dagaaalka diin la dirirka ah kula jirta Mujaahidiinta wadankaas.
Lama soo warin illaa iyo hadda khasaare ka dhashey weerarkaas, waxaase sidoo kale jirin cid wali sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.
Bishii November ayay ahayd markii dagaalyahanno katirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida ay weerar xoogan ka fuliyeen hotelka Radison ee Bamako, halkaas oo ay degnaayeen Saraakiil iyo Jawaasiis Reer galbeed ah, waxaana ka dhashey khasaare soo gaarey dadkii la weeraray.
Al-Qaacidad Maqribul Islaam ayaa aad usii kordhiyey weerarada ka dhanka ah danaha Reer galbeedka ee wadamada dhaca Saxaraha weyn, waxaana ay dhawaan ahayd markii Mujaahidiintu weerar xoogan ka fuliyeen goob lagu dalxiiso oo ku taalla dalka IvoryCOst, waxaana ku dhintay weerarkaas Tobanaan Ruux oo u badan Saraakiil iyo Muwaadiniin Reer galbeed ah.