Galabnimadii maalintii shalay ayaa rag hubeysan islamarkaana katirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida ee wamada Maqribul Islaam waxay weerar qorsheysan ka fuliyeen dalka EveryCOst gaar ahaan goob ay ku dalxiisaan dadka Reer Galbeedka ah.
Raga oo aad u hubeysnaa islamarkaana wajiyada ay duubnaayeen ayaa Rasaas ooda kaga qaaday dalxiisayaasha oo markaas ku sugnaa banaanka hore ee hotelka, waxaana ay mid mid u toogteen dadkii goobta ku sugnaa intooda badan.
Mid kamid ah dadkii Goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay inuu arkayay labo nin oo Rasaas soo ridaya, islamarkaana toogasho fulinaya, isagoona intaa ku daray in labo ay ka badbaanaayeen balse isagu uu intaas arkay.
Markii ay banaanka toogasho wadareed ka geysteen waxay Mujaahidiintu u gudbeen gudaha hotelka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Tobanaan Ruux oo Reer galbeed ah, waxaana goobta ka dhacay toogasho kale.
Inta haatan la ogyahay waxaaa weerarkaas ku dhintay 22 ruux, oo afar kamid ah ay yihiin Reer galbeed, waxaana Mujaahidiinta Alqaacida ee Maqribul Islaam ay sheegteen masuuliyadda weerarkaas.
Bayaan ay soo saartey MU’assada Andalus ayaa lagu sheegtay masuuliyadda, waxaana la ballan qaaday in Tafaasiil dheeri ah ay bixin doonaan waqtiyad soo socoda.
Madaxweyanaha Faransiiska ayaa ka hadlay weerarkna, waxaana uu ku tilmaamay weerar fulaynimo waa sida uu hadlka u dhigaye, isagoona sheegay in mid kamid ah Muwaadiniintooda lagu dilay weerarkaas.
Alqaacidad Maqriubl Islaam ayaa aad usii xoojiyey weerarada noocan oo kala ah, waxaana dhawaan ay ahayd markii ay weerar xoogan ka geysteen caasimadda Burkina Faaso ayna ku dileen Tobanaan Dalxiisayaal gaalo ah.