HomeAll newsUrurka Shiiciga ah ee Xisbullaah oo shaaca ka qaaday in Suuriya looga...

Ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah oo shaaca ka qaaday in Suuriya looga dilay Sarkaal sare.

252053_0Ururka Shiiciga ah ee lagu magacaabo Xisbullaah, fadhigiisuna yahay dalka Lubnaan ayaa si muuqata waxa uu kaga qayb gaadanayaa dagaalka inakbadan 5 sano ka socda dalka Suuriya ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Nusayriyada Bashaar Al-Asad.

Xibiga ayaa kumanaan katirsan Ciidankiisa iyo Saraakiil sar sare wax uu usoo diray Jaxiimada Suuriya, iyagoo hadafkoodu yahay iney ilaaliyaan Nidaamka sii liicaya ee Asad, waxaana muhiimadan ay ku waayeen Ciidamo iyo Saraakiil farabadan.

Todobaadkan waxaa warbaahin badan oo Shiico ah ay sheegayeen in la dilay Taliyihii guud ee Ciidamada Kumaandooska Xizbiga Shiiciga ah, kadib dagaallo ka dhacay gobolka Xalab, balse hogaanka Xisbiga ayaanan ka hadlin arinkaas billowgii hore.

Tvga Shiiciga ah ee Al-Manaara aya baahiyay bayaan kasoo baxay Xisbiga, kaas oo loogu tacziyeynaya geerida Cali Fayaad oo ahaa Taliyihii guud Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska.

Sarkaalkan ayaa bilowgii todobadkan waxaa lala dilay labo Askari oo Ilaaladiisa gaarka ah kamid ahayd, iyago ka dagaalamaya gobolka Xalab ee Nusayriyadu deegaanno kala wareegeen dhawaanahan.

Dilka Sarkaalkan ayaa dhabar jab ku ah Shiicada iyo Xisbiga uu katirsanaa, waxaana ay muujineysa awooda baaxadda leh ee Shiicadu uga qayb galayaan dagaalka Suuriya iyadoona dadka Muslimiinta ah ay ka gaabinayaan in iyaguna garab siiyaan wiilashooda Mujaahidiinta ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular