Baarayaal Reer galbeed ah ayaa sheegatay in dagaalka soomaaliya ka socda aan looga adkaan karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin 30-ka sanadood ee soo socda.
Matt Bryden oo cilmi baare ka ah machad fadhigiisu yahay magaalada Nairobi iyo Qoraa lagu magacaabo Stig Jarle Hansen ayaa aaminsan in weeraradii ugu dambeeyey ee gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo howlgaladii is xigxigay ee lagu xasuuqay ciidamada Amisom ay muujiyeen dib u soo kabashada awoodii Mujaahidiinta AlShabaab iyo guuldarada howlgalkii AMISOM ee lagu qabsaday inta badan magaalooyinka iyo degmooyinka koonfurta Soomaaliya.
Warbixin uu qoray Nin lagu magacaabo Tristan McConnell oo lagu soo daabacay Wakaalada AFP, soona xiganeysa raggan iyo cilmi-baareyaal kale ayaa guul darooyinkii ugu dambeeyey ee ku habasaday Ciidamada AMISOM u sababeysay kala shaki iyo kalsooni-darro ka dhex jirta dowladaha ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya, wada-shaqeyn la’aanta ka dhextaagan isbaheysiga dhexdiisa, dhaqaale xumo iyo la qabsashada ama ka hortagga dagaalka Jabhadeynta Mujaahidiinta ee waayadii dambe lagu wiiqay awoodda soo duulayaasha.
Hadaba Suldaan Maxamed Garyare oo ah siyaasi ku sugan dalka dibadiisa ayaa faaqiday taariikhda ragga qoray warbixinaan iyo waxyaabaha ay ucuskadeen baaritaankooda.