HomeAll newsSawirro: Hey’adda Al-Ixsaan Oo War Biyood Ka Qoday Bay.

Sawirro: Hey’adda Al-Ixsaan Oo War Biyood Ka Qoday Bay.

DSC03600Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan oo looga bartay iney u gurmato dadka ku dhaqan wilayaadka islaamiga ah, war biyood u qoday bulshada ku dhaqan tuulada Bur-qod oo hoos timaada degaanka Buulo-fullaay ee gobolka Bay.

Qodista wartan oo uu dhaqaale badan ku baxay ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay dadka degaanka, iyagoo jamciyadda uga mahad celiyay sida ay u ajiibtay codsi ay horay ugu gudbiyeen oo ahaa hir galinta mashruucan.

Wartan oo uu cabirkeedu yahay 120 mitir oo isku weer ah ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dadka tuulada, safarka iyo xoola leyda intaba.

Jamciyadda Al-ixsaan ayaa wilaayaadka islaamiga ah ka fulisay mashaariic kheyri ah oo looga reystay dhagarihii hey’adaha reer galbeedka, kuwaasoo marka ay beeraha soo go’aan keeni jiray raashin ay dalaggeena ku jabinayaan oo dowlado shisheeye laga soo iibiyay.

DSC04787DSC03601DSC04799DSC04805DSC04810DSC03632DSC04771

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular