HomeAll newsRasaas ka dhex dhacday Aqalka Congreska Mareykanka oo sababtay Qal-qal iyo kala...

Rasaas ka dhex dhacday Aqalka Congreska Mareykanka oo sababtay Qal-qal iyo kala carar.

3201628223549257Iyadoo guud ahaan wadamada Reer galbeedku ay ka taagantahay xaalad kacsanaan iyo Qal-qal joogta ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa rasaas laga dhex maqlay xarun ku dhex taalla gudaha aqalka Congereska oo ay deganyihiin labada gole ee Mareykanka.

Rasaasta oo la sheegay inuu furay qof ku sugnaa xarunta lagu qaabilo dadka soo booqanaya Aqalka Cad ayaa waxay sababtay dhaawaca hal ruux, waxaana markii la maqlay Rasaasta kadib halkaas ka kala cararay guud ahana dadkii ku sugnaa oo ka baqay in Rasaastu tahay rag hubeyan oo gudaha usoo galay Aqalka.

Qofka dhaawacmay ayaa kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u qaabilsan sugidda amaanka Aqalka Congreska.

War kasoo baxay Booliiska Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Ruuxii ka dambeeyey weerarkaas, waxaana ay sheegeen ineysan jirin cabsi ah inuu ahaa weerar Argagaxsinimo sida ay hadalka u dhigeen, maadaama Ruuxa fuliyay weerarka uu caan ku yahay falalka noocaan oo kale ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular