Qarax xoogan oo si aad ah loo maqlay ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Axad ah waxa uu ka dhacay magaalada Ankara caasimadda dalka Turkiga.
Weerarka Qaraxa loo adeegsaday oo ahaa mid aad u culus, si aad ahna looga maqlay guud ahaan Caasimadda oo idil ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu fuliyey quftii Naf hura ah, waxaa sidoo kale jira warar kale oo tibaaxaya in loo adeegsaday Gaari miineysan oo la dhigay goob cayiman.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay barxada weyn ee loogu magac daray Qiizlaay, taas oo kaabiga ku heysa xarumo dowladeed oo xassaasi ah sida Wasaaradda Gaashandhiga iyo tan arimaha gudaha.
Inta haatan laga warqabo waxaa Qaraxyadan ku dhintay inkabadan 30 Ruux, halka tiro kor u dhaafeysa labaatan Ruuxna ay dhaawcyo kasoo gaareen kuwaas oo haatan xaaladooda lagula dabiibayo Cisbitaallada kaala duwan ee Caasimadda.
Xukuumadda Turkiga ayaa aad u cambaareysay weerarkan, waxaana farta ay ku goday maleeshiyaadka Kurdiyiinta oo markan aad u dar dar geliyay weerarada ka dhanka ah Xukuumadda Turkiga ee uu hogaamiyo Rajab Dhayib Ordogan.
Khasaare maaliyadeed oo aad u badan ayaa ka dhashey weerarkan oo lagu tilmaamay mid kamid ah kuwii ugu xooganaa ee ka dhaca Caasimadda Turkiga ee Ankara, waxaana gubtay tobanaan Gawaarida raaxada ah, halka dhismooyin ganacsi ay waxyeelo soo gaartay.
Xukuumadda Turkiga waxay aad isugu dayday iney qariso wixii shalay dhacay, iyadoona Telefeshinka iyo Idaacadda Xukuumadu ay saacado ka aamuseen ka hadalka weerararkaas, inkastoo markii dambe ay sheegeen, waxaana sidoo kale markii hore la mamnuucay in wax sawirro ah laga qaado goobta Qaraxu ka dhacay.
Dowladaha Reer Galbeedka, Mareykanka, iyo kuwa Carabta ayaa badankood cambaarayay weerarkii shalay, waxaana ay ballan qaadeen in Turkiga y ku gacan siin doonaan la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan Argagaxisada.
Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa Ol ole dagaaleed uga imaanaya kooxaha Kurdiyiinta oo mar un ku riyoonaya iney helaan dowlad madax banaan oo ay iyagu leeyihiin, waxaana haatan muuqaneysa in Kurdiyiiintu ay helayaan Taageero ballaaran oo iga imaaneysa dowlado waaweyn sida Mareykanka iyo Ruushka.