Nabadoon Cabdi shiilow oo afhayeen u ah Odayaasha dhaqanka wilaayada Jubooyinka ayaa ka hadlay ujeedka laga leeyahay shir lagu tilmaamay in beelo lagu heshiisiinayo oo ka socda Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose.
Nabadoon Cabdi shiilow ayaa sheegay in beelaha Sade iyo Absame aysan udhaxayn wax colaad ah iyagoo wada dega meelo badan dalka.
Kuwa shirka ka qeybgalaya oo lagu sheegay siyaasiyiin iyo odayaal ayuu nabadoon Cabdi shiilow ku sifeeyay inay yihiin kuwa shisheeyaha u adeega oo aanan soo dhex galin karin bulshada ay sheegtaan.
Nabadoon Cabdi shiilow ayaa ugu danbayntu Bulshada ugu baaqay inay diintooda uxukuntamaan oo xarig allaah ku dhagaan islamarkaana iska dulqaadaan gumeystaha heysta.