Xasan Al-turaabi oo ahaa siyaasi udhashay Dalka Suudaan ayaa ku dhintay dalkaasi isagoo da’diisu ahayd 84 sanno jir.
Hogaamiayahn Mucaaradka ah oo madax ka ahaa Xisbiga ugu weyn dalka Suudaan ee mucaaradsan Xukuumadda Xasan Al-Bashiir ayaa ku geeriyooday da’ gaareysa 84 sano, waxaana noloshiisa inta ugu badan uu kusoo qaatay Siyaasadda, isagoona lahaa Afkaar qaarkood halis ah oo mucaaradsan Diinta Islaamka.
Sida ay sheegayaan dadka yaqaan Turaabi, waxaa uu ku dhashey magaalada Kaslaa wuqooyi bari dalka Suudaan, waxaana uu kasoo jeedaa Qoys Caqiido ahaan liita kuwaas oo u nasab sheegta Kooxaha Suufiyada dalkaas.
Wuxuu ku baxay Jaamaacadda Al-Khurdhuum gaar ahaan kulliyadda lagu magacaabo Xuquuqda, isagoona sanadkii 1957 shahaadada Majesterka ka qaatay Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, isagoona sanadkii 1964 Shahaadada Diktooraha ka qaatay Jaamacadda Sorban ee ku taala magaalada Paaris caasimadda Faransiiska.
Afkaarta uu qabay waxaa kamid ah in Dumarku ay imaam u noqon karaan Ragga marka Salaada lagu jiro, islamarkaana sidoo kale ay noqon karto Madaxweyney wadan, aysana jirin wax u diidaya arinkaas.
Sheekh Xasan Takar ayaa faafaahiyay wuxuu ahaa Al-turaabi iyo wuxuu aaminsanaa ee ka dhanka ahaa diinta islaamka.