Siyaasiga ku caan baxay la shaqeynta iyo garab istaaga Yahuudda Axmed Abul Qeydh ayaa noqday Xog hayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, kadib markii dowaldaha Xubnaha ka ah ururkaas ay isku raaceen.
Axmed Abul Qaydh oo hore usoo noqday wasiirkii arimaha dibadda ee Xukuumadii ka dambeysay Xusni Mubaarak ayaa ku caan baxay is garab istaaga Yahuudda, isagoona si aad ah u neceb dadka Muslimiinta ah ee ka dagaalama Jiidda Qazza.
Markii la iclaamiyey inuu yahay Xog hayaha guud ee Jaamacadda Carabta waxaa arinkaas aad uga horyimid Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin Carbeed kuwaas oo arinkaas ku tilmaamay iney ka dhigantahay in Jaamacadda Carabta taladeeda loo dhiibay Yahuudda.
Waxyaabaha aadka loogu xusuusto waxaa kamid ah ninkan uu Shir jaraa’id oo wadajir ah la qabtay Haweeneyda Yahuuda xiligaas u qaabilsaneyd arimaha dibadda oo lagu magacaabo Livni, taas oo ay ku iclaamisay dagaal ka dhan ah magaalada Qazza, waxaana xiligaas Abul Qaydh uu ka badin waayay aamus taas oo ka dhigan inuu raalli ku yahay dagaalkaas lagu qaaday Jidda Qazza.
Dadka qaar waxay ku tilmaamaan inuu yahay Saaxiibka Livni oo inbadan shirar jaraa’id wada qabteen, waxaana u magacaabistiisa jagadan aad usoo dhaweeyey Yahuuda noocyadooda kala duwan.
Dowladda Qadhar iyo Suudaan ayaa lagu soo waramayaa iney tallaabadan ay ka hor yimaadeen, balse waxaa kabadan inta ku qanacsan Abul Qaydh.
Nabiil Al-Carabi ayuu ahaa qofkii kaga horeeyey Jagada Xogyahaha guud ee Jaamacadda Carabta, waxaana lagu xusuustaa dabadhilifnimo iyo la shaqeynta Reer Galbeedka, isagoo hoojiyey garabkoodana ka baxay Muslimiin farabadan oo gumaad la kulmaya, balse Abul Qaydh ayaa loo badinayaa inuu kaga sii darnaan doono Saaxiibkiisa Nabiil dhagrida dadka Muslimiinta waana sababta loogu dhibay Jagadan.