HomeAll newsHogaamiyihii Mucaaradka Suudaan Xasan Turaabi oo Geeriyooday.

Hogaamiyihii Mucaaradka Suudaan Xasan Turaabi oo Geeriyooday.

Xasan Turaabi iyo Cumar Al-Bashiir.
Xasan Turaabi iyo Cumar Al-Bashiir.

Gelinii dambe ee maalintii shalay ayaa waxaa dalka Suudaan ku geeriyooday Siyaasiga Mucaaradka ee caanka ah Xasan Turaabi, kadib xanuuno uu la halgamayay Shantii sano ee ugu dambeysay.

Xasan Turaabi ayaa isagoo ku sugan Xafiiskiisa waxaa lasoo dersay Xanuun daran, taas oo keentay inuu miir daboolmo, waxaana markiiba loola cararay Cisbitaalka Royal Care ee ku yaala bartamaha Caasimadda Suudaan ee Khardhuum.

Dhakhaatiirta Cisbitaalka ayaa markiiba geliyey qaybta xananaada deg dega ah, balse saacado kadib waxay xaqiijiyeen in Xasan Turaabi uu geeriyooday, waxaana xanuunkiisu ku salleysnaa dhanka Wadnaha.

Hogaamiayahn Mucaaradka ah oo madax ka ahaa Xisbiga ugu weyn dalka Suudaan ee mucaaradsan Xukuumadda Xasan Al-Bashiir ayaa ku geeriyooday da’ gaareysa 84 sano, waxaana noloshiisa inta ugu badan uu kusoo qaatay Siyaasadda, isagoona lahaa Afkaar qaarkood halis ah oo mucaaradsan Diinta Islaamka.

Sida ay sheegayaan dadka yaqaan Turaabi, waxaa uu ku dhashey magaalada Kaslaa wuqooyi bari dalka Suudaan, waxaana uu kasoo jeedaa Qoys Caqiido ahaan liita kuwaas oo u nasab sheegta Kooxaha Suufiyada dalkaas.

Wuxuu ku baxay Jaamaacadda Al-Khurdhuum gaar ahaan kulliyadda lagu magacaabo Xuquuqda, isagoona sanadkii 1957 shahaadada Majesterka ka qaatay Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, isagoona sanadkii 1964 Shahaadada Diktooraha ka qaatay Jaamacadda Sorban ee ku taala magaalada Paaris caasimadda Faransiiska.

Afkaarta uu qabay waxaa kamid ah in Dumarku ay imaam u noqon karaan Ragga marka Salaada lagu jiro, islamarkaana sidoo kale ay noqon karto Madaxweyney wadan, aysana jirin wax u diidaya arinkaas.

Waxaa la sheegaa ninkan geeriyooday inuu kamid ahaa Xarakada Ikhwaanul Muslimiinta dalka Suudaan, inkastoo markii dambe uu noqday gooni isu taag leh Ahdaaf gaar ah.

Wuxuu ahaa la Taliyaha Xasan Al-Bashiir markii uu dalka Suudaan kula wareegay Afgembiga sanadkii 1989, balse sanadkii 1999 ayay is khilaafeen, islamarkaana halkaas ku kala tageen, waxaana xusid mudan in sanadkii 1996 uu noqday gudoomiyihii Baarlamaanka Xukuumadda Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular