HomeAll newsHogaamiye Shiici ah oo ku baaqay iney is casisho guud ahaan Xukuumadda...

Hogaamiye Shiici ah oo ku baaqay iney is casisho guud ahaan Xukuumadda Rawaafida Ciraaq.

d887059b-ea16-4475-b5b3-117f61a99270Muqtadi Al-Sadri oo kamid ah horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shiicada dalka Ciraaq islamarkaana ku dhex leh Taageero farabadan gudaha Shiicada ayaa ku baaqay iney xilka ka degto Xukuumadda Ciraaq ee uu hogaamiyo shiiciga lagu magacaabo Xaydar Al-Cibaadi.

Kalimad muuqaal ah oo ay wada baahiyeen Tvyada Shiicada ayuu Muqatadi sheegay in lagama maarmaan tahay in talada ay ka degaan guud ahaan Xubnaha Xukuumadda, isagoona sheegay in Taageeriyaashiisu aysan u banaan bixin in faasid uu talada ka dego ku kadaran uu yimaado.

Kaliamdan oo kusoo beegantay iyadoo kumanaan katirsan Taageeriyaashiisu ay maalintii shalay banana baxyo waweyn ka dhigeen agagaarka madniqadda Cagaaran ee gudaha Baqdaad, halkaas oo ay degaan Safaaradaha Shisheeye ee ku yaala dalka Ciraaq.

Wuxuu weerar dhanka afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta dalkaas oo uu ku tilmaamay iney tuugo yihiin, isagoona ka codsaday dadka banaan baxyada dhigayay ineysan sameynin wax xadgudub ah, ayna iska ilaaliyaaan qudhooda iney ku sifoobaan Tuuganimo, sida uu hadalka u dhigay.

Horjoogayaasha Shiicada iyo wadaadadooda ayaa aad isku khilaafsan, kadib guul darrooyinkii qaraaraa ee Ciidankoodu kasoo hooyeen dagaallada ka socda gobollada ay degaan Suniyiinta sida Anbaar, Salaaxu-Diin, Dayaala iyo kuwa kale, waxaana maalin kasta Baqdaad la geeyaa meydadka Tobanaan Askari oo lagu soo dilay jabhaadka dagaalka.

(Alprazolam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular