Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashey weeraro maanta ka dhacay dalka Biljimka, kuwaas oo ay fuliyeen Istish-haadiyiin Naftooda huriyaal ah.
Khasaaraha ay baahinayaan warbaahinta Biljimka ayaa gaareysa dhimasahda 34 Ruux iyo dhaawaca 35 kale kuwaas oo dhamaan dhaawacyadoodu halis yihiin.
Sida ay sheegtay wakaaladda Acmaaq ee taabacsan dowladda Islaamiga ah, waxaa weeraradan fuliyey rag katirsan dowladda Islaamiga ah oo ku sugnaa gudaha dalka Biljimka.
Acmaaq ayaa sheegtay in Istish-haadiyiin wadatay Suumanka walxaha Qarxa iyo Qoriyaal ay u suurta gashey iney gudaha u galaan Garoonka, islamarkaana ay si buuxda u fuliyaan howlgalkii loo idmaday, waxaana sidoo kale weerarka kale ee ka dhacay boosteejada Tareenada dhulka hoostiisa mara fuliyey istish-haadi watay Suunka Qarxa.
Dowladda ISlaamiga ah ayaa sheegeysa in weeraradan ay ku dileen inkabadan 230 Ruux, inkastoo Xukuumadda Biljimka tiro aad u yar ay sheegeyso.
Ra’iisul wasaaraha Biljimka ayaa ku tilmaamay weeraradii maanta dhacay ilbiriqsiyo mugdi iyo murugo ah, isagoona ku tilmaamay mar uu isa sabirsiinaya weeraro fulaynimo ah.
waxaa xiran guud ahaan shaqadii garoonka Diyaaradaha ee magaalada Brussles, waxaana sidoo kale Xukuumadda Faransiisku dhankeeda sheegtay iney hakineyso guud ahaan shaqooyinka Garoomada illa in muda ah.