Labo Diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga ukaca ayaa habeenkii xalay ciidamo ku soo daadiyay meel udhaw Degmada Owdheegle ee shabeelaha Hoose.
Ciidamadaan ajnabiga ah ayaa socdaal qorsoodi ah oo dhanka lugta ah kusoo galay degmada Owdheegle si ay u arbushaan amniga lagu heystay degmada oo ku jirta gacanta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Waxa ay doonayeen inay gudaha ugaleen saldhiga Owdheegle balse waxaa ka warhelay ciidamo katirsan shabaabul Mujaahidiin oo xabada ku bilaabay markii shisheeyuhu ay shideen Buleer.
Dagaal socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo ayaa Magaalada Ku dhexmaray Ciidamada Mujaahidiinta iyo Kuwa shisheeye.
Dhiig badan ayaa lagu arkay Magaalada iyadoo la rumaysanyahay in waxyeelo ay soo gaartay ciidamada duullaanka ahaa.
Afhayeenka Ciidamada shabaabul Mujaahidiin sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay weerarka waxaana uu sheegay dhankooda inuu ka shahiiday mid kamid ah Ciidamadooda.
Xaalada ayaa saaka degan waxaana jirin wax saameyn ah oo shacabka uu ku yeeshay dagaalkii xalay.
Dowladdaha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa horay ugu fashilmay weeraro ay ka gaysteen Magaalooyinka Buulo mareer iyo Baraawe ee shabeelaha Hoose.
La soco wixii soo kordha inshaa allaah.