Tvga CNN ayaa sheegay in diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga islamarkaana ay saarnaayeen dad aad u farabadan ay ku burburtey koonfurta dalkaas, taas oo keentay in dadkii saarnaa oo idil ay dhintaan.
Diyaaradan oo nooceeda lagu tilmaamay Bonig 738 ayaa burubrtey iyadoo dooneysa iney soo caga dhigato garoon Caalami ah oo ku yaala Rosotof oo ku yaala koonfurta dalka Ruushka.
Diyaarada waxaa saarnaa 62 Ruux oo ay ku jiraan duuliyaashii Diyaaradda, waxaana gebigoodaba ay ku dhinteen burburka diyaaradda iyadoona ay xusid mudan tahay in 51 ruux oo dadkaas kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Ruushka.
Diyaaradda ayaa waxay kasoo duushey dalka Imaaraadka Carabta, waxaana leh shirkad lagu magacaabo Fly Dubai, waxaana bayaan ay shirkadu soo saartey ku qirtey in guud ahaan ay dhinteen dadkii saarnaa, iyadoona ku tilmaamtey dhacdadan mid xanuun badan.
Bayaanka kasoo baxay Shirkadda waxay sidoo kale ku sheegtay inay baareyso sida ugu dhaqsiyaha badan sababta keentay burburka diyaaradan dadka badan ku dhinteen.