Injineer xuseen xaaji cabdi iyo Xasan Nuur Sabtow oo ka qeybgalayay Falanqeyn ku aadan biyo xereenada ay sameysatay Itoobiya oo saameeyay biyihii wabiga shabeelle ayaa ka hadlay waxa soomaalida la gudboon maadaama cunoqabatayn laga saaray qeyb kamid ah wax soo saarkooda.
Injineer Xuseen Xaaji oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay biyo xereenka ay samaysay Itoobiya uu saameeyay beeralayda iyo dadka ka faaideysta Biyaha wabiga.
Xasan Nuur sabtow ayaa ku taliyay in la qodo oo la dayactiro kanaalada si loo dhaqaaleysto biyaha ay keeneen wabiyada Soomaliya Mara.
Itoobiya marar badan bay isku dayday inay xerto biyaha wabiyada Soomaaliya mara waxaana saameyn ku yeeshay biyaha oo dhul baaxad leh kaga fatahay.
Balse haatan ayay heleysaa taageero ku aadan biyo xereeno ay kala kaashatay shiinaha iyo Hindiya.
Dowladda Muqdisho wali kama aysan hadlin biyo xereenada Itoobiya.
Xasan Nuur ayaa sheegaya in Dowladda Muqdisho aysan ahayn dowlad matasha umadda oo dareenta dhibaatooyinka ka dhanka ah Soomalida bal ay muujiyaan sideey kaga xunyihiin waxyeelada soo gaarta shisheeyaha.