Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cli Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka hadlay arrimo muhim ah.
Qeybta kowaad ee wareysiga oo aan halkan idinku soo gudbineyno, ayuu afhayeenku ku sheegay xog cusub oo ku saabsan weerarkii Ceel-cadde iyo khasaarihii la gaarsiiyay ciidamada Kenya.
Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay weeraradii ugu dambeeyay ee uu Mareykanku ka geystay dalka iyo shirkii cabashada ahaa ee ay dowladaha Soomaaliya kusoo duulay usbuucyo ka hor ku qabsadeen wadanka Jabuuti.
Intaa waxa dheer oo Sheekh/Cali Dheere wax laga weydiyay waxa u sababta ah fashilka istaraatiijiyaddii dowladda iyo shisheeyaha ee ahayd in sannadka 2015 dalka laga saarayo mujaahidiinta, 2016-kana la qabanayo doorasho madaxtinimo iyo arimo kale oo aad ku dhageysan kartaa isla qeybta kowaad ee wareysiga.
FG: Qeybta labaad ee wareysiga oo aan goor dhow idiin soo gudbin doono, wuxuu afhayeenku uga hadlay arimo xasaasi ah.
Halkan ka dhageyso Qaybta Koowaad Wareysiga muhiimka ah ee Sheekh Cali Maxamuud Raage.