Wararka ka imaanaya dalka Masar waxay sheegayaan in lagu Afduubtay dalkaas Diyaarad ay leedahay shirkadda Duulimaadyada ee Masar, taas oo ka duushay magaalada Iskandariyah kuna sii jeeday magaalada Al-Qaahira.
Mid kamid ah Rakaabdii saarnaa Diyaaradda ayaa ku qasbay duuliyaha diyaaradda inuu bedelo jihada ay u socoto, islamarkaana ay ku degato dalka Qubrus, hadii uu dalabkaaas fulin waayana waxa uu ku hanjabay inuu qarxin doono suun Qarxa oo u xiran.
Duuliyaha ayaa ku qasbanaaday fulinta dalabka qofka hubeysan, waxaana diyaaradda uu ka dejiyay Garoonka Laarnka ee Qubrus.
waxaa la sheegayaa in diyaaradda la afduubtay ay saaranyihiin dad badan oo Jinsiyado kala duwan sita oo ay ku jiraan Muwaadiniin Britin iyo Mareykanka kasoo jeeda, waxana markii diyaaraddu caga dhigtay uu qofka hubeysan fasaxay guud ahaan dadka Muslimiinta ah, Caruurta iyo dumarkii saarnaa diyaaradda, waxaana haatan uu heystaa dad farabadan oo rag ah.
Waxaa socda dadaal lagu doonayo in wadahadal lagula furo qofka hubeysan, balse wali wax Natiijo ah lama soo sheegin.
wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.