Rag hubeysan oo aan heebtooda la aqoonsan ayaa weerar culus waxay ku qaadeen Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Xukuumadda Tuunis, kuwaas oo ku sugnaa xuduud beenaadyada u dhexeeya dalalka Tuunis iyo Liibiya.
Mandiqadda uu weerarku ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Banqardaan, waxayna dhacdaa koonfurta dalka, maanta oo Isniin ah ayaan rag aad u hubeysan waxay soo weerareen ciidama halkaas ku sugnaa, waxaana goobta ka dhacay dagaal faraha looga gubtey.
Illaa iyo hadda waxaa weerarkaas ku dhintay 15 ruux oo ka kala tirsan Ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidankii la weeraray, waxaana xusid mudan in Raga weerarka soo qaaday ay la wareegeen Labo Baabuur oo mid kamid ah uu ahaa Ambulacyada Gurmadka deg dega ah oo ay lahaayeen Ciidamada la weeraray.
Saraakiil katirsan Xukuumadda Tuunis ayaa sheegay in weerarkaas uu jiro, iyagoona intaa ku daray iney iska caabiyeen rag doonayay sida ay sheegeen iney gudaha usoo galaan dalka Tuunis.
Tuunis waxaa gudaheeda ka howlgala Katiibo lagu magacaabo Cuqba bin Naafic oo katirsan Alqaacidada Maqribul Islaam, waxaana xusid mudan in sidoo kale ay gudaha dalkaas ka dhacaan weeraro qorsheysan oo ay dhowr jeer fulisey dowladda Islaamiga ah.