Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee wilaayada islaamiga ah shabeelaha Hoose ayaa xalay qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda.
Dagaal xoog leh oo ka dhacay Laanta Buure ayaa dhaliyay qasaaro xoogan oo soo gaaray ciidamada Dowladda.
Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa warbaahinta usheegay in dagaalkii xalay ay ku qabsadeen sagaal gaari oo todobo kamid ah ay saarnaayeen qoriga dhashiikaha.
Dhimashada askarta Dowladda ayaa sii cagacagaynaysa 73 askari.
Huganka rasaasta la is weedaarsanayay ayaa si weyn looga maqlayay meelo badan oo dhaca Gobalka Shabeelaha Hoose.
Duqeyn iyo dagaal kale ayaa lagu qaaday shanta tiir iyo number 50 ee shabeelaha Hoose.