Weerar ku bilowday dhaba gal iskuna badelay dagaal xoogan ayaa maanta jubada hoose ku dhex maray ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo Askarta Kenya.
Qasaaro Maaliyadeed iyo mid dhimasho ayaa ka dhashay dagaalka sida wararku nagu soo gaareen.
Saraakiil katirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa usheegay idaacadda Afka shabaab ku hadasha Ee andulus in dagaalkii maanta ay ku dileen 12 askari islamarkaana ay gubeen 6 Gaari.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa dagaalka ku qabtay askar katirsan ciidamada Kenya oo laba askari ah.
Xaalada Goobihii Lagu dagaalamay oo udhaw deegaanka Xayo ayaa haatan dagan waxaana gacanta ku haya ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab.
Wali shabaabul mujaahidiin kama aysan hadlin dagaalka dhaliyay qasaaraha badan ee ka dhacay inta udhaxaysa Qooqaani iyo Afmadow ee Jubada Hoose.