HomeAll newsCiidamo ku dhintay burbur diyaaradeed oo ka dhacay dalka Aljeeriya.

Ciidamo ku dhintay burbur diyaaradeed oo ka dhacay dalka Aljeeriya.

32016281720698Sida uu sheegay wargeyska Al-Nahaar ee kasoo baxa dalka Aljeeriya, diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Cirka ee Xukuumadda Buutafaliiqa ayaa kuso dhacday gudaha dalkaas.

Diyaarada soo dhacday oo nooceeda lagu sheegay M171 ayaa waxaa lahaa ciidamada difaaca Cirka, waxaana iyada oo howlo shaqo ku jirta ay kusoo dhacday meel u dhow magaalada Raqqaan ee dalka Aljeeriya.

Bayaan kasoo baxay hogaanka ciidamada Cirka ayaa lagu xaqiijiyey in burburka diyaaradaas ay ku dhinteen 12 Askari oo katirsan Ciidamada Cirka.

Sarkaalka ugu sareeya ee Ciidamada Cirka ayaa amar ku bixiyey in la furo baaritaanno ballaaran oo lagu ogaanayo waxa keenay burburka diyaaraddan, inkastoo loo badinayo in Cillad dhanka Farsmada ah ay lasoo deristay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular