HomeAll newsCiidamada Ruushka oo ka baxaya dalka Suuriya.

Ciidamada Ruushka oo ka baxaya dalka Suuriya.

122015181622781Madaxweynaha dalka Ruushka nink lagu magacaabo Faladamir Butin ayaa amar ku bixiyey in Ciidankiisa laga soo saaro dalka Suuriya oo dhowr bilood ka hor ay duullaan lugta ah ku tageen.

Gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa Butin waxa uu kulan la yeeshay wasiirada difaaca iyo ariamha dibadda ee Xukuumadiisa, waxaana uu amar ku siiyey in Ciidanka sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro dalka Suuriya.

Buutin ayaa isku qanciyey in Ciidankiisu illaa maa xad ay fuliyeen ama gaareen hadafkooda, islamarkaana haatan la gaaray waqtigii ay kasoo bixi lahaayeen.

Madaxweynaha Ruushka waxa uu sheegay in saldhigyada ay dowladiisu ku leedahay dalka Suuriya ay wali furnana doonaan, islamarkaana howlahooda caadiga sii wadan doonaan, balse kaliya lasoo saarayo Ciidankii lugta ee bilihii lasoo dhaafay lagu daabulayay dalka Suuriya.

Arinkan ayuu ku tilmaamay mid uu kaga gol leeyahay sidii ay u mira dhali lahayd wadahadallada uu ku tilmaamay nabad raadinta ee u dhexeeya Mucaaradka iyo Nidaamka Bashaar Al-Asad.

Markii uu soo idlaadya kulanka dhexmaray wasiirada arimaha dibadda iyo Difaaca ee Xukuumadda Ruushka oo ka dhacay aqalka Carmalin ayuu Butin waxa uu khadla teleefanka kula xiriiray madaxweyanaha Nidaamka Suuriya Bashaar Al-Asad, isagoona ku war geliyey tallaabada uu qaatay.

Dadka falanqeeya arimaha Siyaasadda ayaa ku tilmaamaya insixaabka Ruushka ee dalka Suuriya inuu yahay mid muujinaya jabka gaarey Ciidamada Ruushka iyo sida Xukuumadda Butin aysan ugu taag hayn dagaal mar kale ay ka gasho dibadda, halka dadka qaar ay sheegayaan in tallaabadan lagu doonayo mid lagu xoojinayo wadahadalada kooxaha Mucaaradka iyo Nidaamka u socoda, taas oo marka dambe kusoo idlaan doonta sida horey loo bartey in la dhiso Xukuumad Cilmaani ah oo Gaalada danahooda u fulisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular