Beesha Ajuuraan ayaa dooratay Ugaas cusub iyadoo munaaasabad lagu caleemo saarayay ay ka dhacday Magaalada Buu’aale ee Gobalka jubada Dhexe xarunta u ah.
Hogaamiyaasha beelaha kale ee ay ajuuraan ood wadaagti yihiin ayaa ka soo qeyb galay xafladda kuwaasoo madasha ka sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada shaqeynu dhex marto iyaga iyo ugaaska cusub oo ah nin dhalinyaro ah.
Ajuuraan ayaa ugaas ka dhigtay Cabdi-fitaax Cabdulqaadir Cusmaan oo bedelay ugaaskii hore ee beesha.
Ajuuraan waxay goobta ka sheegeen in ay diyaaar u yihiin in ay isku duubnaadaan Diinta Islaamkana u gar gaaraan.
Dhageyso Beesha Ajuuraan oo Ugaas Dooratay.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA.