250 ruux oo loo tababarayay ciidan nimo ayaa ka firxaday Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.
Raggaan oo laga keenay qeybo kamid ah Gobalka Gedo ayaa la doonayay in laga hor geeyo xarakada shabaabul Mujaahidiin.
Howsha tababarka waxaa abaabulkeeda lahaa Saraakiisha Itoobiya balse waxaa faraha kula jiray Rag Soomaali ah.
Qaar kamid ah askarta ka baxsatay Xerada ayaa shalay lagu soo bandhigay dulleedka Baardheere markii ay isku dhiibeen xarakada shabaabul Mujaahidiin.
Laba kamid ah ciidamada ayaa alfurqana usheegay in dhibaato ay kamid tahay gaajo ay kula soo derestay xerada markii ay ka dhuunteen raga ciidanka hayay.
Halkan Ka Dhageyso Codadka Askarta Baxsatay.
(Zolpidem)