Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa ku waraaya in qaraxyo xoogan ay ka dhaceen.
in ka badan 10 Qarax oo ah kuwa meelaha fog laga hago ayaa Magaalada lagula beegsaday Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah.
10 Qarax ayaa ka dhacay goob ay biyo ka dhaansadaan Ciidamada Itoobiya halka 2 qaraxna lala eegtay maleeshiyaadka shisheeye kalkaalka ah.
Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo warinayaa inay soo gaareen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida.
ma jirto sheegasho degdeg ah laakin waxa ay farta ku godantahay xarakada shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jirta Ciidamada shisheeye.
isgaarsiinta Magaalada ayaa xiligaan jaran.
warar laga helay dadka Magaalada kasoo baxay qaraxyada kadib ayaa sheegaya in Xabashida ay magaalada tacadiyo ka gaysteen.