Xildhibaan Cabdi Maxamad oo kamid ah baarlamaanka DF ayaa ka hadlay shirkii Turkiga lagu qabtay iyo xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uu gumeysi ku jiro.
Ugu horeyn wuxuu sheegay in shirka Turkiga uu lamid yahay shirarkii ay shisheeyuhu qaban jireen ee lagu marin habaabin jiray ummada Soomaaliyeed.
“Adeer shirkaasi wuxuu ka marqaati kacayaa inaaney talo gacantayada ku jirin, waayo haddii uu yahay shir Soomaaliyeed, Soomaali ayaa dalkeeda ku qabsan lahayd” ayuu yiri Tahliil oo intaasi raaciyay in shisheeyaha ay Turkidu kamid yihiin dano gaar ah ka leeyihiin wadanka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dalku uu gumeysi ku jiro, isagoo sheegay inuu madaxweyne ka yahay nin aad u liita oo Itoobiyaan ah laguna magacaabo Gabre.