HomeAll newsSh. Axmad Iimaan"Qoriga iyo Tuutaha Aan Xiranahay Waa Ganiimadii Ceelcadde (Daawo)

Sh. Axmad Iimaan”Qoriga iyo Tuutaha Aan Xiranahay Waa Ganiimadii Ceelcadde (Daawo)

Isagoo garwaaxsan qori M16 ah, kuna labisan dareeska ciidamada military-ga Kenya ayuu Shaykh Axmed Iimaan Cali ka soo muuqday filim cusub oo ay soo saartay mu’asasada Alkataa’ib, Isagoo booqanaya mucaskar aan la sheegin halka uu ku yaallo, sidoo kalena jeedinaya kalimad muhiim ah oo dhinacyo badan xambaarsan.

Ciidamo aad u qalabeysan oo ku labisan darees isku wada mid ah, Raayaduna dhexdooda ka babaneyso ayaa Anaashiid iyo dhoola-tus cajiib ah ku soo dhaweynaya Sheekha, ka dibna waxa uu halkaas ka jeedinayaa kalimad cinwaankeedu yahay { فساء صباح المنذرين } taas oo uu kaga sheekeynayo weerarkii Ceelcadde iyo xasuuqii loo geystay ciidamada Kenya.

Durbaba markii uu hortooda soo istaagay wuxuu ugu horeyn ugu bishaareeyey mujaahidiinta in dareeska uu xiran yahay, qoriga uu wato ee M16-ka ah iyo qalabka kale ee uu ku labisan yahayba ay ka mid yihiin ganiimadii laga soo furtay ciidamadii gaalada Kenya ee lagu xasuuqay weerarkii Ceelcadde, Islamarkaana wixii ka dhacay halkaas ay ahayd musiibo uu Allaah la damcay ciidamada  Kenya ee ku soo duulay Soomaaliya.

“Hadda oo aan idiinla hadlayo waxa kaliya ee aan soo iibsaday waa cimaamadeyda. Qoriga aan watto, booshka aan xiranahay, Tuutaheyga, iyo qalabka dagaal ee aan ku labisanahayba waa ganiimo aan ka soo furanay askariga watay qorigaan aad aragtaan ee Numberkiisu yahay 490. Haddii qoyska uu ka dhashay askariga leh qorigaan Numberkiisu yahay 490 ay wiilkooda weli baadigoobayaan, ha ogaadaan in hadda aan aniga heysto ganiimadii aan ka soo furanay wiilkooda. waana bishaaro uu na siiyey nabigeena. Ganiimaduna waxay ka mid tahay shan sheey oo la siiyey Nabigeena, oo aan horay loo siinin Nabi kale oo isaga ka horeeyey” ayuu yiri.

1 axmed iimaan.

Waa Loo Aarguday Muslimiinta Islii & Mandheera

Madaxweynaha dalka Kenya oo sidoo kalena ku magacaaban Taliyaha guud ee ciidanka Kenya marka loo eego dastuurkooda, ayuu Shaykh Axmed Iimaan Cali sheegay in uu yahay fuley aanan xitaa awoodin in uu soo booqdo ciidankiisa ku sugan furimaha hore ee dagaalka iyo dadkiisa dhibaneyaasha u ah weerarada Mujaahidiinta. “Markii dadkiisa lagu xasuuqay Mpeketoni, wuxuu go’aansaday in uu booqdo halkaas, maalintii xigtay ayaa lagula taliyey in uu iska joogo sababtoo ah waxaa loo sheegay in libaaxyada Islaamka (Al-Shabaab) ay weli kamiin kaga jiraan halkaas oo ay sugayaan. Markaas ayuu joojiyey safarkii. Waxaad sheeganeysaa in aadan cabsaneynin waqti aadan xitaa si xor ah ugu dhex safri karin dalkaaga gudahiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Isagoo warkiisa sii wata ayuu sidoo kale tilmaamay in weerarkii Ceelcadde uu shaafiyey quluubta mu’miniinta gaar ahaan dadka muslimiinta ee dhibanaha u ah cadowga. Wuxuu soo hadal qaaday talaabooyinkii foosha xumaa ee ciidamada Kenya ay ku weerareen xaafadda Islii in ka badan labajeer iyo jirdiladii ay kula kaceen muslimiinta Soomaalida ah ee ku dhaqan xaafadaas. Wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay qaar ka mid ah dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee lagula kacay muslimiinta Mandheera.

Wuxuu sheegay in Kenyaatigu ay u maleeyeen in mujaahidiintu ay ilooween intaas oo gaboodfallo ah balse ay hadda ogaadeen in dadkaas ay leeyihiin walaalo u aarguda oo la qeybsanaya murugada iyo farxadda.

“wey xasishay quluubta Muslimiintii uu dhibka soo gaaray. sababtoo ah waa loo aarguday. Waxaad ogtihiin in Islii oo ah xaafad ay muslimiintu degaan laba mar la weeraray. Markii koowaad gabar walaasheena ah oo ilmo uurka ku siday ayaa laga soo tuuray dabaq saddex biyaano ah. gabar kale oo walaasheen ah oo isla deegaankaas ka soo jeeda iyadana waxaa laga soo tuuray saqafka kore ee guri ay ku jirtay, taas oo ugu dambeyntii laf dhabarta ka jabtay. Mandheera, Iyadana intey yimaadeen ayey afduubteen Hooyo shan caruur ah korsaneysay. wey afduubteen, oo kufsadeen, ugu dambeyntiina wey dileen. intaas oo xadgudubyo ah markey ku kaceen ayey u maleeyeen in aan ilownay wixii ay geysteen ama aan ka tanaasulnay. Wallaahi waxaan idiin balan qaadeynaa inaan dhiig ku daadin doono waddo kasta oo ku taalla Kenya ilaa gabdhaha walaaladeena ah iyo qoysaskooda ay ka ogaanayaan inaan nahay dad diyaar u ah difaacida walaaladooda muslimiinta meelkasta oo ay joogaan”

2 axmed iimaan

Kaararka Aqoonsi Ee La Soo Bandhigay.
Qeybaha dambe ee khudbadiisa wuxuu Sheekha soo bandhigayaa qaar ka mid ah kaararkii aqoonsiga ee ciidamadii lagu laayey weerarkii Ceelcadde, wuxuuna dadka Kenyaatiga ah u sheegayaa in qof waliba uu fasax u heysto in uu la soo xiriiro mujaahidiinta haddii uu ka maqan yahay wiilkooda.

Magacyada Qeyb kamid ah Askarta Kenya.

“Kenya waxay isku soo maqiiqday dagaal Xilli aysan xitaa faham guud ka heysan micnaha dagaalka. Qoysaska askartii lagu dilay Ceelcadde waxaan leenahay, waqtigiina ha isaga luminina daba orodka dowladda Kenya si ay idiin siiso macluumaadka ku saabsan wiilashiinii la xasuuqay ee Anaga nala soo xiriira. Anagaa idiin siin doono xogta caruurtiina oo dhameystiran. Dowladiina been ayey idiin sheegi doontaa laakiin anagaa xaqiiqda idiin heyna, halkaan waxaan ku hayaa oo aad aragtaan qaar ka mid ah kaararka aqoonsi ee askartii aan ku dilnay weerarkii Ceelcadde. Kan waxaa la yiraahdaa Victor Ogutu Awino. Kana waxaa la yiraahdaa Julius Bongati Matinde. Kana waa Richard Mwenda Wambua, kana waxaa la yiraahdaa Wilfred Achira, kana waa Daniel Kioko Mwea, midkana waxaa la yiraahdaa Musa Choge Kipkesio, kana waxaa la yiraahdaa Cheriout Derik, kana waa Aloice Otaro Aguko, kana waa Joel Kaome Kaberia, iyo midkaan ugu dambeeyana waxaa la yiraahdaa Omari Okulo Olacho”ayuu yiri Axmed Iimaan.

3 axmed iiman

 

Filimkan cusub ee ka soo baxay mu’asasada Alkataa’ib ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey oo lagu soo bandhigo macluumaad ku saabsan weerarkii Ceelcadde ee lagu xasuuqay saliibiyiinta Kenya, wuxuuna soo baxay xilli dadka Kenyaatiga ay aad u baadigoobayaan macluumaadka wiilashooda oo qaarkood aanan nolol iyo geeri midna lagu heynin.

Hoos Ka Daawo Filimka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular