Duqaymo xoogan oo arxan daro ah ayay diyaaradaha Ruushka waxay ka wadaan gobollo kala duwan oo kamid ah dalka Suuriya, kuwaas oo ay ku shahiideen dad Muslimiin ah oo dumar iyo Caruurba ku jiraan.
Saacado ka hor ayaa waxaa duqeymo xoogan lagu garaacay deegaano kamid ah gobollada Xalab, Idlib, iyo Darcaa kuwaas oo deegaanno badan oo kamid ah ay maamulaan kooxaha Mucaaradka iyo Mujaahidiinta.
Sida uu sheegay Tvga Aljazeera, duqeyn ka dhacday magaalada Ariixa ayaa waxaaa ku shahiiday dad tobanaan gaaraya halka kuwa kalana ay ku dhaawcmeen.
Duqeynta ayaa ka dhacday suuq weyn oo ku yaala barmaha magaalada, waxaana xilligaas ka dukaameysanayay dad badan oo Muslimiin ah.
Sidoo kale deegaanada ay duqeymuhu ka dhaceen waxaa kamid ah Xarbanoosh iyo Saraaqib oo dhaca baadiyaha gobolka Idlib, waxaana ku dhintey labo dumar Muslimaad ah iyo wiil yar.
Goboollada Xalab iyo Darcaa ayaa dhankooda duqeymuhu ka dhaceen, waxaana lasoo sheegayaa iney jiraan dad geeriyooday halka kuwa kalana ay dhaawacmeen.
Ruushka ayaa duqeyn cadowtooyo oo aad u xoogan waxa uu ka wadaa dalka Muslimka ah ee Shaam isagoo taageero hiil iyo hooba la garab taagan nidaamka Mujrimka ah Bashaar Al-Asad kaas oo shan sano oo kaamil ah xasuuqaya Muslimiiinta Shaam.