Sida ay sheegeen Ilo amaan oo lagu kalsoonaan karo dagaalyahanno katirsan dowladda Islaamiga ah ayaa la wareegay deegaano dhaca duleedka magaalada Baqdaad, kuwaas oo Istiraatiji ah.
Ciidamo katirsan kuwa Mujaahidiinta ayaa si qarsoodi ah oo aan la fahmin waxay ugu gudbeen deegaano hoos yimaada degmada Abuu Qariib halkas caan ku ah xabsigii sumcada darnaa ee sanadkii 2003 lagu tacdiibin jiray dadka Muslimiinta, waxaana deegaanad ay Mujaahidiintu la wareegeen ay kala yihiin Daari, Xamdaaniyah, Sayloo, iyo kuwa kale.
Maleeshiyaadka Rawaafida ayaa goobahaas ka cararay, waxaana xaalad amni ah la geliyey degmada Abuu Qariib iyadoona laga cabsi qabo in dagaallo ay dhacaan.
Ciidamada la wareegay deegaanadan kaabiga ku haya Baqdaad ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney ka yimaadaan dhanka magaalooyinka Falluuja iyo Al-Karama.