Warsame Joodax oo horay usoo noqday madaxii Ammaanka Muqdisho iyo Ugaas Mukhtaar ayaa wadaagay falanqeyn ku aadan howlgalada Muqdisho ka Socda ee ka dhanka ah shisheeyaha iyo Dowladda.
Warsame ayaa waxa ka dhacaya Muqdisho u aaneeyay isla xisaabtan la’aan laamaha ammaanka Dowladda iyo Madaxda sare
Wax badan ayuu sheegay inay ka qaldanyihiin Dowladda Muqdisho ee madaxda uyahay Xasan Sheekh.
Ugaas Mukhtaar ayaa dhankiisa la qabin warka kasoo baxay Warsame Joodax ee ku aadan in isla xisaab tan la’aan ay sabab utahay ammaanka liita Muqdisho.
Wuxuu Ugaas Mukhtaar sheegay in Dowladda ay yihiin Burcad isku tagay oo midba dhan wax ka boobaya.
Waxa uu sharaxay dhibaatada Bulshada kala kulanto laamaha ammaanka.